Ujeedka safarka RW Xamse ee Shabeellaha Dhexe & xog dheeraad ah

|

Aadanyabaal (ONKOD) Ra’iisulwasaare Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray maanta taliska ciidamada Xoogga ee dagaalka  ee dagaalka sugan degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira howlagllada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo u tegayo in la xoojiyo abaabulka ka socda HirShabelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku jira safarka uu ku jooga Degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, ayaa la filayaa in kulamo gaar ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Xamse ayaa maalmo ka hor kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu uga soo qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha