UNHCR & Kenya oo saaray war ay ku farxaan Qaxootiga Kenya ku nool

|

Dhadhaab (ONKOD ) Qaxootiga Soomaalida Xeryaha dhadhaab ayaa heli doona , xaquuq in muddo ah ka maqnayd oo ay dhawrayeen ka dib heshiis ay wada gareen Dowladda Kenya iyo Hay’adda UNHCR.

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in Qaxootiga  Xeryaha ku nool la deegaamayn doono si ay uga baxaan nolosha hadda ku jiraa oo ah mid aad u adag .

Sidoo kale Qaxootiga kale ee halkaas ku nool oo  ayaa heli doona deegaamayn sida ay sheegtay Hay’adda Qaramad Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Soomaali badan ayaa muddo ka badan 30 sanno waxa ay ku noolaayeen xeryaha Qaxootiga dalka Kenya gaar ahaan kuwa Waqooyi Bari halkaas oo u qaxeen ka dib dhicitaankii Dowladdii Soomaaliya.

Qaxootiga faraha badan ee ay ku jiraan kuwa Soomaalida ayaa soo maray marxalado kale oo xitaa waxa ay xerada dhadhaab qarka u saarnayd in albaabada loo laabo.

Dad ka badan 30,000 oo qaxooti ah ayaa u baahan gargaar waxaana dadka ku jira qaxooti cusub iyo kuwa ay kaararkii ay raashinka ku qaadanayeen ay ka xayiran yihiiin.

Related Articles

News In English

Fikradaha