Ururada Warbaahinta oo booqday Weriye ay dhowaan toogteen Haramcad

|

Muqdisho (Onkod Radio)— Ururada warbaahinta Somali Journalists Syndicate- SJS Federation of Somali Journalists FESOJ iyo Somali Media Association -SOMA ayaa isbitaalka ku booqday saxafi Axmed Cumar Nuur oo ka tirsan M24 Somali tv oo maalintii Axaddii ay dhaawac u geysteen ciidanka Haramcad ee booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda ururrada ayaa caafimaad taam ah u rajeeyay walaalkeen Axmed Cumar oo xaalkiisu uu ka soo reynayo.

Waxayna ugu baaqeen booliska iyo hoggaanka dowladda inay dedejiyaan baaritaanka labada askari ee falkan loo soo xiray kuwaasoo sida la sheegay ku jira gacanta ciidanka denbi-baarista.

Cabdalle Axmed Mumin Xoghayaha Guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa ka hadlay booqashada kaddib ayagoona shir jaraa’id ku qabtay gudaha Cisbitaalka Madiina magaalada Muqdisho.

Xuquuqda Sawirka/ Mohamed Jibril

”Maanta waxaan joognaa cisbitaal Madiina magaalada Muqdisho waxay tahay maalinkii saddexaad oo weriye sawirqaade Axmed Cumar Nuur uu dhaawaciisa halkan lagu daaweynayo oo aan mar kale soo fiirinay ilaahay ayaa ku mahadsan xaaladdiisa waa ay fiican tahay sidii hore waa kasoo kabanayaa labo qalliin oo isku xigta ayaa lagu sammeeyay xabbaddii ka gashay afka dhinaca midig ilkaha hoostooda waa laga saaray.

inkastoo uu dhiig badan ka baxay haddane hadda waxa uu joogaa marxalad uu soo kabanayo waana loo oggolyahay inuu kabaxo Cisbitaalka ilaahay ayaa ku mahadsan waxaan u nimid inaan soo booqanno oo aan garab istaagno oo aan u muujinno niyad wanaag iyo sida aan uga xunnahay dhibaatada ku dhacday saaxiibkeenna walaalkeenna Axmed Cumar Nuur intaas kasoo kow waxaan raacineynaa Booliska waxay inoo sheegeen labo Askeri oo katirsan Booliska Haramcad oo dhacdadaas ku lug lahaa ay xiranyihiin oo CID lagu baarayo waxaan rabnaa in la dedajiyo baarintaas aan ogaanno sababta keentay Axmed Cumar Nuur xabadda laagu dhufto.

Waxaan ognahay xilliga ay rasaastu dhaceysay maalintii axaddii gaar ahaan saacaddaas ma jirin dagaal socday ma jirin rasaas dhaceysay weerarka Hotel Xayaat wuu soo dhammaaday maxaa keenay marka in Weriyaha lagu rido xabbad waa sababta aan u dalbaneyno baaritaan”

Ustaad Faarax Cumar Nuur Xoghayaha Guud ee Federation of Somali Journalists FESOJ ayaa ka hadlay shirkaasi asgoona sheegay arrimo badan oo kala ah.

Xuquuqda Sawirka / Mohamed Jibril

”Waxaan marka hore u duceyneenaa walaalkeenna isku magaca nahay Axmed Cumar Nuur walaalkayga ayaan maanta Cisbitaalkan kusoo booqannay inuu ilaahay u dhib yareeyo.

Waxaan wakiil ka nahay dhageystayaasheenna waa inaan war sugan aan kasoo siinnaa meesha dhacdadu ka dhacday”

Maxamed Cusmaan Makaraan Xoghayaha Guud ee Somali Media Associtation -SOMA Ayaa ka hadlay Shirkaas jaraa’id asagoona sheegay ugu danbeyntii.

Xuquuqda Sawirka/ Mohamed Jibril

”Waxaan soo booqannay Axmed Cumar Nuur oo ka tirsan M24 Somali tv oo dhowaan lagu dhaawacay weerarkii Hotel Xayaat asagoona Ciidamada ammaanka ay si kas ah u toogteen Axmed maanta waxaan usoo booqannay si aan u muujinno dhibaatada soo gaartay garab istaag”

Shirka jaraa’id ayaa qeeyb ka ahaa saxaafadda nooceeda kala duwan asagoona looga hadlay sidii loo garab istaagi lahaa Axmed Cumar oo dhowaan si bareer ah u toogteen ciidamda Haramcad.

Related Articles

News In English

Fikradaha