Ururka Al-Shabaab oo toogasho ku fuliyay 6 Qof

|

Jilib (Onkod Radio)— Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay rag ay kooxdu ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay sirdoonnada dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.

Raggaan la dilay oo gaaraya illaa 6 nin ayaa Al-Shabaab waxa ay shaacisay in ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo kala duwan oo lagu beegsaday kooxda, kuwaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo dhaca koonfurta waddanka Soomaaliya.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dhammaan ragga la dilay lagu helay eedeymaha loo soo jeediyey, kadibna xukunkii lagu ridday maanta lagu fuliyey.

Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-

1-Cabdirisaaq Ciise Axmed (Maqas) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka.

2-Xasan Gaarane Muuse (Dr Ayuub), oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonnada Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya, uuna qayb ka ahaa 20 duqeymood.

Related Articles

News In English

Fikradaha