Ururka Suxifiyiinta Soomaaliyeed SJS, ayaa ka mid noqday Isbahaysiga Bulshada Rayidka ee Axdiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobay

|

MUQDISHO, Soomaaliya 20 Febraayo, 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa si rasmi ah ugu biiray Isbaheysiga Bulshada Rayidka ee Axdiga Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa, taasoo qeyb ka ah, dadaallada SJS ee lagu difaacayo xuquuqda suxufiyiinta iyo horumarinta isla xisaabtanka xad gudubyada ka dhanka ah, xorriyadda saxaafadda oo ay ku jiraan weerarrada ka dhanka ah, warfidiyeennada soo tebiya wararka arrimaha musuqmaasuqa.

SJS oo ah, urur shaqaale oo madax-bannaan una dhaqdhaqaaqa difaaca xuquuqda suxufiyiinta iyo u qareemidda isla xisaabtanka xadgudubyada ka dhanka ah, xorriyadda warbaahinta, ayaa ku biirista Ururka Bulshada Rayidka ee Axdiga Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa waxay siinaysaa SJS fursad ay kaga qeybgasho fagaarayaasha caalamiga ah.

SJS ayaa soo saartay saddex warbixin oo ku saabsan xaaladda xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya 20192020 iyo 2021 kuwaas oo diiwaangeliyay xadgudubyada ka dhanka ah, suxufiyiinta iyo xorriyadda saxaafadda. Tani waxaa ka mid ah, ol’olayaasha la xisaabtanka kiisaska gefafka dowladda. SJS waxay kaloo si adag uga soo horjeedsatay laaluushka dowladda ee Soomaaliya.

SJS waxay ka shaqeysaa horumarinta xoriyadda warbaahinta Soomaaliya si ay ula xisaabtanto mas’uuliyiinta dowladda iyo in daaha laga qaado kiisaska laaluushka iyo musuqmaasuqa. SJS waxay siineysaa difaac sharci warfidiyeennnada loo beegsado warbixintooda daaha ka qaadaya gafafka dowladdu. Suxufiyiinta ka faa’iidaysanaya adeegga SJS ayaa warfidiyeennnada xubnaha ka ah SJS. Hababkayaga faragelinta waxaa ka mid ah, tababarridda weriyaasha, horumarinta xorriyaddooda, iyo difaacidda shaqadooda saxaafadeed.

28kii Oktoobar 2021, SJS waxay dacwad rasmi ah oo ka dhan ah fal laaluush ka gudbisay madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle taasoo loo gudbiyay Guddiga Madaxa bannaan ee La-Dagaallanka Musuqmaasuqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana laga sugayaa inay baaritaan buuxa oo madax bannaan ku sameeyso kiiskaasi.

SJS waxay ka qeybqaadaneysaa hannaanka hubinta qiimaynta la-dagaallanka musuqmaasuqa oo ah marxaladda koowaad, ee habka dib u eegista ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay. SJS waxay adkeyneysaa la xisaabtan dadweeyne iyo joojinta xadgudubyada ka dhanka ah warbaahinta sida laaluushka loo isticmaalo faafreebka wararka.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku biirno Isbaheysiga Bulshada Rayidka ee Axdiga Qaramada Midoobay, ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (UNCAC). Tani waxay muujineysaa muhiimadda ay warfidiyeenka u leeyihiin la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta isla xisaabtanka, hufnaanta iyo qiyamka hannaanka dowladda iyo tan gaarka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin.

“Annaga, haddaan nahay bahda weriyayaasha, waxaan door muhiim ah, ku leenahay la dagaallanka musuqmaasuqa. Waxaan nahay qeybta ugu muhiimsan ee ciribtirka musuqmaasuqa joogtada ah, annagoo baareyna soona bandhigayna dhaqamada musuq-maasuqa, annagoo dalbaneyna isla xisaabtan iyo daah-furnaan ka imaanaysa hay’adaha dowliga ah, iyo kuwa gaarka ah, ee Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Cabdalle Axmed

Mumin. “Sidaa darteed, waxaan aaminsannahay in ku biirista Isbaheysiga Bulshada Rayidka ah ee Axdiga Qaramada Midoobay ay siineyso SJS iyo suxufiyiinta xubnaha ka ahba fursad ay kaga qeybqaataan u doodista iyo horumarinta doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee baaritaanka musuqmaasuqa iyo difaaca xuquuqda suxufiyiinta.”

Related Articles

News In English

Fikradaha