Ururka suxufiyiinta SJS oo cambaareysay falkii lagu hor istaagay saxaafadda madaxa-bannaan ee kasoo warameysay qubuuraha Iskool Boliisiya

|

Onkod Radio – Somali Journalists Syndicate – SJS waxay cambaareyneysaa falkii shalay lagu hor istaagay saxaafadda madaxa-bannaan ee kasoo warameysay qubuuraha Iskool Boliisiya (Dugsiga Tababarka Booliska) ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta madaxa-bannaan qeybaheeda kala duwan ayaa xilli ay goobta u joogeen tabinta dhacdada faagista qubuuraha, isla markaana wareysanayay dadweyne ka walaacsan meydadka eheladooda ku aasan qubuuraha kuwaasoo qaarkood sheegay in lacago laga dalbaday si ay meydkooda ula baxaan, ayaa waxaa goobta u diiday sarkaal boolis oo lagu magacaabo Sulaymaan.

Somali Journalists Syndicate – SJS waxay u aragtaa dhacdadan mid lagu caburinayo shaqada muhiimka ah ee ay hayaan warbaahinta madaxa-bannaan, dadweynahana iyo caalamkana looga qarinaayo xogta waxa ka socda qubuuraha lasoo faagayo. Waxaana ku baaqaynaa in laga waantoobo.

Related Articles

News In English

Fikradaha