Madaxda Warbaahinta Soomaaliyeed oo dalbaday in lasoo xiro Taliyaha Haramcad

|

Muqdisho (Onkod Radio) Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndictae SJS, ayaa maanta kulan lagu cambaareynayo falkii foosha xumaa ee gabood fallada loogu geeystay 8 Maalin ka hor weriyaal ka howlgala Muqdisho, xilli ay tabinayeen weerar ay Ururka Al-shabaab ku qaadeen Saldhig ku yaalla Degmada Kaxda.

Weriyaasha ayaa ku jiray shaqo maalmeedkooda ayagoona fasax kasoo qaatay Maamulka degmada Kaxda, ayaa weerar kusoo qaadeen Ciidama Haramcad ee Turkiga ay tababrto.

Weriyaasha ayaa la jirdilay inkabadan saddex saacadood xabadka dhulka loo dhigay ayagoo indhaha ka xiran oo la figiyeeyay, xilli ay qorraxda aad u kululeeyd.

Maxamed Xassan Yuusuf, oo ka mid ah weriyaasha, dhibaatada loo geeystay ayaa yiri waxaa inaloo dhaqmay sidii ciidan tababar ku jira oo kale xabadka dulka inaloo dhigay kaliya waxaa innaga dhineeyd in nagula socodsiiyo meelo dhiiqo ah, oo xabadka ku socda nala dhaho.

Maxamed, ayaa sheegay in lagu garaacay ul bud ah, oo Taliyaha Haramcad Cabixamiid Cabdullaahi Fanax, uu ku garaacay illaa ay ushii ka jabto asagoo sheegay inuu rabay inuu wojiga ka garaafeeyo ugu danbeeyntii markii ay jabay Budkii, ayuu ka doontay meelaha ay ku burbureen guryaha ayuu kasoo qaatay Alwaax, lahaa musmaar asagoona sheegay inuu ku garaacay weriye kale oo la socday oo ugu danbeeyntii gacanta uu kasoo gaaray dhaawac culus kaasoo uu ku sigtay inuu u naafoowo.

Cabdalle Axmed Mumin, Xoghaayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Somali Journalists Syndicate-SJS Photo/ Mohamed Jibril for (Onkod Radio)
Cabdalle Axmed Mumin, Xoghaayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Somali Journalists Syndicate-SJS Photo/ Mohamed Jibril for (Onkod Radio)
Photo/ Mohamed Jibril for (Onkod Radio)

Related Articles

News In English

Fikradaha