Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka ma wuxuu isticmaalaa qof u eg ?

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa marar badan lagu tilmaamay inuu isticmaalo qof isaga u eg, haddana waxaa dib u soo cusboonaaday hadal haynta ku saabsan arrintaas iyo warar kale oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la isla dhex marayay in uu Putin si aad ah u xanuunsanayo, warbaahinnada qaaroodna waxay xitaa qorayeen in laga yaabo inuusan noolayn Putin-kii saxda ahaa. Laakiin BBC-du ma xaqiijinin dhabnimada wararkaas.

Madaxweynaha Ruushka ayaa in muddo ahba ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha lagu xanto inay adeegsadaan qof u eg oo mararka qaar matala. Waxaa arrintaas horay caan ugu ahaan jiray madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen.

Putin qudhiisa muxuu ka yiri xanta ku saabsan inuu qof kale isu ekeysiiyo?

Mar dhow ma bilaabanin sheegashooyinka la xiriira in Vladimir Putin uu mararka qaarkood qof kale matalo, xilliyo hore ayaana sidan oo kale loo tuhmay.

Muddo lix sano ah ayaa la isla dhex marayay in dad ay jiraan dad u eg Putin, si amnigiisa loo xaqiijiyo.

Bishii February ee sanadkii 2020-kii ayuu Madaxweynaha Ruushka ka hadlay Mowduucan, waxa uuna qirtay in fursad loo siiyay loona soo bandhigay fikradda ku aaddan in uu qof aan laga garaneynin samaysto.

Laakiin waxa uu beeniyay inuu waligiis ku dhaqaaqay tallaabadaas.

Ujeeddada loogu soo jeediyay fikraddaas ayaa ahayd si loo adkeeyo amnigiisa, balse waxa uu sheegay inuu gabi ahaanba ku gacan sayray.

Qorshahaas waxaa markii ugu horraysay miiska lasoo saaray sanadkii 2000, markaas oo ay Ruushka dagaal kula jireen xoogagga gooni u goosad doonka ah ee ka soo jeeda gobolka Chechnya.

Vladimir Putin oo hadda 69 jir ah ayaa horay usoo ahaan jiray sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka ee dalka Ruushka, oo magaceeda loo soo gaabiyo KGB.

Putin oo hadda ku mashquulsan dagaalka uu waddankiisa ku qaaday dalka Ukraine ayaa xukunka hayay tan iyo sanadkii 2000.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine, 24-kii bishii February, 2022-ka, waxaa sii xoogaystay hadal-haynta la xiriirta amniga Madaxweyne Putin oo la sheegay in uu khatar ku jiro, ayna jiraan dad si gaar ah u raadinaya, si ay u dilaan.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Putin kama soo bixin Caasimadda Moscow iyo xarunta, waxaana taas sabab u ahayd in laga ilaaliyo inuu ku dhaco fayraska corona ee faraha ba’an ku hayay dunida.

Xitaa deegaannada gudaha dalkiisa uma uusan safri jirin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulkiisa.

Waxaa kale oo lasii xoojiyay dadaallada la xiriira in la adkeeyo amniga madaxweynaha.

Saddex ka mid ah qaababka loo sugo amniga Putin

Sida muuqata, halista uu wajahayo Putin waxay sii waynaatay markii uu amray dagaalka lagu qaaday Ukraine, maadaama uu yahay qofka sida tooska ah u haya mas’uuliyadda hoggaaminta dagaalkaas.

Balse waxaa su’aalo la iska waydiiyaa cidda mas’uul ka ah ilaalintiisa. Kuwani waa qaar ka mid ah tallaabooyinka loo qaaday si loo ilaaliyo Putin.

Koox gaar ah

Ciidamada kala duwan ee dhinaca amniga u qaabilsan Ruushka waxaa ka mid ah koox si khaas ah loogu xil saaray in ay ilaaliyaan Madaxweynaha iyo qoyskiisa: Waxaana lagu magacaabaa Ciidanka Ilaalada Amniga Madaxweynaha.

Kooxdan waxay hoos tagaan Taliska Hay’adda Ciidamada Amniga ee Federaalka Ruushka, oo asal ahaan ka tirsanaan jirtay Hay’adda Sirodonka ee loo soo gaabiyo KGB. Waxay sidoo kale qaabilsan tahay amniga saraakiisha sar sare ee Ruushka, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Mikhail Mishustin.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada Ruushka waxaa caawiya laanta “Ilaalada Qaranka Ruushka”, ama “Rosgvardia”, oo lix sano ka hor uu abuuray Putin qudhiisa, laguna tilmaamay in ay yihiin “ciidan shakhsiyeed” oo uu sameystay madaxweynaha.

“Qof walba wuu og yahay in ay yihiin ciidamada ilaalada khaaska u ah madaxweynaha,” ayuu yidhi Stephen Hall, oo ah khabiir wax ka dhiga Jaamacadda Bath ee dalka UK.

Viktor Zolotov, oo horay ilaalo khass ah ugu ahaa Putin ayaa hadda hoggaaminaya kooxda ilaalada qaranka
Viktor Zolotov, oo horay ilaalo khass ah ugu ahaa Putin ayaa hadda hoggaaminaya kooxda ilaalada qaranka

2- Cuntada

Mid ka mid ah arrimaha sida aadka ah looga taxaddaro waa cuntada.

Xitaa marka uu madaxweynuhu dalka dibaddiisa aado, kooxdan ayaa dhadhamineysa wax walba ka oo uu cunayo.

3-Telefoon ma isticmaalo

Madaxweynaha Ruushka qudhiisa ayaa xaqiijiyay in uusan isticmaalin qalabka casriga ah ee isgaarsiinta.

Sanadkii 2020-kii ayuu wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Ruushka, TASS, ku sheegay in haddii uu rabo inuu la xiriiro qof uu isticmaalo telefoon rasmi ah oo loogu talo galay.

Balse xaqiiqada ku aaddan in madaxweynaha uusan isticmaalin qalabkaas waa in uusan kalsooni ku qabin internet-ka.

BBC SOMALI

Related Articles

News In English

Fikradaha