Waa kuma maxbuuska ku xirnaa xabsiga Guantanamo ee ku laabtay Kabul?

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Assadullah Haarun, oo ahaa maxbuus ku xirnaa xabsiga Guantanamo oo hadda la sii daayay ayaa gaaray caasimadda Afghaanistan ee Kabul isaga oo magaalada Dooxa ee dalka Qadar ka soo raacay diyaarad khaas ah. Saraakiisha Taliban oo uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Amir Khan Mottaqi, ayaa garoonka diyaaradaha ee Kabul uga hortagay oo halkaa ku soo dhoweeyay .

Assadullahi Haarun, oo ah 41 jir, ayaa ciidamada Mareykanku xireen sanadkii 2007, wuxuuna xabsiga Guantanamo Bay ee gacanka Cuba, ku jiray muddo gaaraysa 15 sano. Hadda waxaa ku haray xabsiga Guantanamo hal maxbuus oo u dhashay Afghanistan.

Taliban Foreign Ministry

Maamulka madaxweyne Biden ayaa horey u ballan qaaday inuu xirayo xabsiga Guantanamo Bay. Taliban ayaa tiri mudane Haarun “Waa xubin ka mid ah kooxda” oo ay ula jeedaan isla Taliban-ka.

Waxaa la sheegay inuu xubin ka ahaa xisbiga Islaamiga ah ee Gulbuddin Hekmatyar isla markaana uu ahaa madaxa gobalka Nangarhar. Wixii ka dambeyay 2017, sida uu dhigayo heshiis uu Mareykanka la galay dowladdii Ashraf Ghani sii daynta maxaabiista xabsiga Guantanamo waxaa sidoo kale dabagal ku haysay wasaaradda arrimaha dibadda Afghanistan.

Afhyeen u hadalay Taliban oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid,oo Qatar ku soo dhaweyay Haarun ayaa Twitter-ka ku qoray Assadullah Haarun, waa mid ka mid ah dadka ku xirnaa Guantanamo, sii dayntiisu waa natiijada “dadaalka dowladda Taliban iyo is dhexe galka toggan ee Mareykanka”.

Taliban Foreign Ministry

 

Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa ninkaan ku sheegtay inuu ahaa taliye meleshiyaad Islaamiyiin ah kuwaas oo xiriir la leh Al-qaacidda .”Markii hore wuxuu ahaa nin lagu tuhunsanyahay argagixiso oo waliba halis ah” waa sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Mareykanka.

Horraantii 15-kii bishii Oktoobar sanadkii la soo dhaafay, laba bilood kadib markii Taliban ay la wareegeen Kabul waxay xaqiijiyeen sii daynta laba qof oo uu ku jiro, Assadullah Haraun. ujeedda ka dambeysay sii dayntiisa ayaa lagu sheegay inuusan wax door ah ku lahayn ururrada xagjirka ah, isla markaana aanu ku fikir ahayn marka la eego hab-dhaqankiisii hore, wuxuuna sheegay inuu ka xun yahay hawlihiisii hore.

Taliban ayaa dowladda Qadar uga mahad celisay gacanta ay ka gaysatay sii daynta ninkaan. Tan iyo sanadkii 2001 dagaalyahanno ka tirsan Taliban iyo Al-qacaidda oo lagu xiray Pakistan iyo Afghanistan ayaa loo wareejiyay xabsiga Guantanamo,in badan oo ka mid ah dadkaasi waxaa la sii daayay xilligii uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

BBC SOMALI

 

Related Articles

News In English

Fikradaha