Waa kuma sarkaal Shabaab ee hubka dibada ugu sii iibin jiray AS ?

|

Muqdisho (ONKOD ) Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo la sheegay in uu ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee kooxda Shabaab uga soo iibin jiray dalka dibadiisa hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu dhibaatayn jiray shacabka Soomaaliyeed.

28-Jirkan Soomaaliga ah, ayaa waxaa in muddo ahba dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku kooxda shabaab kaga dhuumaalaysanayaan gudaha Soomaaliya!

Sakariye waxa uu ahaa sida la sheegay maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday kooxda Shabaab laguna soo dhex qariyay shixnado ganacsi kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doona Hay’adaha Garsoorka,dalka

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa mudooyinkan dambe dadaalo xoogan ku bixinaysa beegsiga cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh kooxda shabaab, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

News In English

Fikradaha