Waa kuma Xamza Cabdi Barre – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya?

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xamza Cabdi Barre, inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe. 

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo. 

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaqaan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay labadooda. 

Waa kuma Xamza Cabdi Barre?

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya ku dhashay horraantii 1970.

Related Articles

News In English

Fikradaha