Waa kuma Yevgeny Prigozhin?

|

TALLINN, Estonia (ONKOD ) Yevgeny Prigozhin, wuxuu ka soo jeedaa magaalada St Petersburg ee caasimadda Ruushka, oo ah isla halka uu ka soo jeedo madaxeynaha Rushka,Vladimir Putin.

Xukunkiisii maxkamedeed ee ugu horeeyay wuxuu ku dhacay 1979 kii, isaga oo 18 jir ah, tuuganimo ayaa loo xiray laba sano iyo bar.

Laba sano kadib, waxaa lagu xukumay 13 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay falal dhac iyo tuuganimo, sagaal sano oo kamid ah mudadaas wuxuu ku jiray xabsi.

Kadib markii laga soo daayay xabsiga, Prigozhin wuxuu aasaasay miisas badan oo lagu iibiyo hilbka lo’da oo la shiilay, gudaha magaalada St Petersburg. Ganacsigii ayaa u bulaalay, sanado gudahood ayuu magaalada ka furtay maqaayad wayn oo qaali ah.

Halkaas ayay ka bilaabatay xooggii iyo sareyntii uuu ku yeeshay St Petersburg kadibna Ruushka oo dhan. Mid kamid ah maqaaxiyahiisa oo la yiraado New Island, waxay ahayd doon dul sabeyneysa wabiga Neva.

Vladimir Putin ayaa aad u jeclaa maqaaxidaas, markuu madaxweyne noqday kadibna, wuxuu bilaabay inuu halkaas geeyo martidiisa dibadda ka timaada. Sida ay u badan tahayna waa halka ay ku kulmeen labada nin.

Putin wuxuu aaminay Prigozhin ilaa uu kala qayb galay xafladda dhalashadiisa oo ka dhacday maqaayadda New Island sandkii 2003 dii.

Sanado kadib, shirkadda cuntooyinka diyaarisa ee Prigozhin ayaa heshiis lagula galay in ay cunto geyso aqalka Kremlin ka ee Ruushka looga taliyo, isaga oo qaatay naaneysta ah, “cunto kariyaha Putin”.

Sanadkii 2014 kii, markii Ruushku ku duulay Ukraine, ayay muuqatay in Prigozhin uusan ahayn ganacsade iska caadi ah. Shirkad qaas ah oo milatari oo xiriir isaga la leh ayaa la soo wariyay in ay ciidamada Ukraine kula dagaalameyso bariga gobolka Donbas.

Related Articles

News In English

Fikradaha