Waalidiin dibadbax dhigay oo Xasan Sheekh ka codsaday fulinta ballan uu ka qaaday

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo, ayaa galabta bannaanbax ka dhigay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Banaan-baxaas oo lagu taageeray doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxweynaha looga codsaday inuu deg deg uga jawaabo dhibka heysta waalidiintaan dhalinyaradu ka maqan tahay.

Qaar ka mid ah hooyooyinkii warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in hoyaad ay ka quusteen, balse hadda ay farxeen markii uu guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u balan qaaday in shaqada koowaad ee uu qabanayo hadii uu guuleysto ay tahay soo celinta dhalinyaradii loo qaaday Eritrea.

“Madaxweyne marka hore hambalyo, laba sano iyo bar ayey sii maqan yihiin wiilasheenii, waxaan nahay waalidiin dhiban, waxaan maanta kaa rabnaa in shaqada koowaad aad ka dhigto inaad dalka ku soo celiso wixii ka nool, waan kugu faraxnay markii lagu doortay oo waxaan heysanay balan-qaadkaagii hore,” ayey yiri mid ka mid ah waalidiintii Guriceel kula hadlay warbaahinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dhalinyaradaas oo la sheegay in qaarkood ay galeen dagaalkii Itoobiya uu shaqada koowaad ka dhigaayo dib u soo celintooda, markii la doorto, taas oo hadda looga fadhiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dalka laga daabulay dhalinyaradaas oo ilaa hadda aan faahfaahin laga bixin nidaamka loo qaaday, balse waxaa la sheegay in lagu siray in dalka Qatar tababar iyo shaqo loo geynayo, laakiin Eritrea loo dhigay, welina ma jirto cid warbixintooda dadka la wadaagtay.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha