Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya Shir ka socda dalka Masar

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xildhiban Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha 48aad ee Shaqada Jaamacadda Carabta, kaas oo Maalintii labaad ka socda Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Kulanka koowaad ee fadhiga 48aad ee shir weynaha Shaqada ayaa looga hadlay arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta Bulshada , hababka cusub ee shaqada, ilaalinta Bulshada iyo dhaqaalaha dhijitaalka gaar ahaan xaaladaha cusub ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ku shaqeeya dhijitaalka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Biixi Iimaan Cige, ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya ugu sii horumarayso dhinaca Ilaalinta Bulshada iyo dadaallada ku aaddan xal u helida shaqo la’aanta.

Wasiir Biixi, oo uu safarka ku wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda , Cabdullahi Maxamed Cali ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad mideysan oo ay ka yeeshaan waddamada Carabta taasoo si buuxda uga hadleysa ku shaqeynta dhaqaalaha dhijitalka, isla markaana la dhowrayo xuquuqda shaqaalaha, ayadoon looga faa’ideysaneynin u guurida dhijitalka ama adeegsiga teknoolajiyada.

Isticmaalka iyo u guurista dhaqaalaha dhijitalka ayaa waxaa la filayaa inuu fududeeyo ganacsiga, iyadoo sahleyso inuu dhaqaalaha dalka kordho, ayuu ku daray Wasiir Biixi Iimaan Cige oo intaas sii raaciyay in loo baahan yahay in dhaqaalaha dhijitalka loo isticmaalo shaqo abuuris baahsan si loola dagaallamo shaqo la’aanta.

Wafdiga Wasiirka ee ka qeybgalay shirka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xiriirka ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo rugta ganacsiga iyo warshadaha.

Related Articles

News In English

AU delegation urges more action to mitigate humanitarian situation in Somalia

Mogadishu – The African Union Permanent Representative Sub-Committee (AUPRC) on Refugees, Returnees, and Internally Displaced Persons (IDPs) led by Ambassador Adenkule J.M. King has...

Accord University in Somalia expands its activities in East and Horn of Africa

(Onkodradio.so)  Accord University is an international Somali university offering postgraduate programs dedicated to research, as it has 32 specialized master's and doctoral programs. The university...

AU Humanitarian team visits Baidoa to assess the impact of drought in Somalia’s Southwest State

Baidoa – A high-level delegation from the African Union, led by the Chairperson of the Permanent Representatives Sub-Committee (AUPRC) on Refugees, Returnees, and Internally...

RFK Human Rights and other leading international organizations call on Somali government officials to drop charges against Abdalle Ahmed Mumin

Robert F. Kennedy Human Rights joins six other international organizations in a letter to Somali government officials calling for all charges against journalist, press...

ATMIS will deliver on its mandate, SRCC and Head of ATMIS assures Somalia’s partners

Mogadishu, Somalia – The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), has re-affirmed its commitment to fulfill its mandate in supporting Somalia's path to...

Fikradaha

Milking the Somali government: the politics of the status quo

A depressingly familiar cycle has become set in Somali politics. Indirect electoral processes take place every four to five years. New faces come to...

The net-zero impact of World Bank projects in Somalia

The World Bank (WB) is launching the Somali Electricity recovery Project (SERP) which will cost 150M USD and its worth mentioning that the money...

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...