Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi ayaa jooga Washington

|

Muqdisho (Onkod Radio) Madaxweeyne Muuse Biixi Cabdi, iyo wafdigiisa ayaa tagay dalka Mareykanka ayagoo qorshahoodu uu ahaa Soomaaliland, inay hesho Madax Bannaani.

Soomaaliland waxay sii laba laabtay dadaallada ay ugu jirto inay hesho ictiraaf Caalami ah, muddo 30 Sano ah, ay goonni ugu taagnayd Soomaaliya inteeda kale wax aqoonsi ah, kama helin beesha Caalamka.

Dhowaan waxaa si muuqata  kor ugu kacay xiriirka Jasiiradda Taiwan, oo dooneeysa inay ka go’do Shiinaha, lkn sidoo kale aan dunida ka haaysan wax aqoonsi ah.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliland, ayaa bishii hore booqasho tii ugu heer sarraysay ku tagay Jasiiradda Taiwan, arrintaan ayaa ka careeysiisay Shiinaha, oo ka mid ah, quwadaha dunida, codka diidmada qayixana ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliland, isla arrintaan aqoonsi raadiska ah, ayaa horraantii toddobaadkan ugu tageen booqasho Mareykanka, ah, wafdi heer sare ah, uu horkacayo Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Soomaaliland,

Muuse, waxaa martiqaad u fidiyay Mu’assasada Heritage, oo ah, Urur Muxaafid ah, oo ku xiran Jamhuuriyiinta Mareykanka, kaas oo isku howla Cilmi Baarista Siyaasadda iyo Dowlad Wanaagga, waxaa la’aasaasay sannadkii 1973-kii,

Madal ay Madaxweynaha Soomaaliland u qabatay ayaa waxa uu Mareykanka ku boorriyay in uu Hormuud, u noqdo aqoonsiga Soomaaliland.

Muuse biixi ayaa khudbaddisa uu ka jeediyay Madasha ku yiri Mareykanku waa inuu caddeeyaa taageeridiisu uu siinayo Xukuumaddan qaadatay Dowlad wanaagga iyo Dimuqaraadiyadda iyadoo ay ku hareereysanyihiin Xasilooni darro iyo cadaadis dibadeed.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa beesha Caalamka u sheegay in samafal kaliya aynan ahayn uu waajib ka saaran yahay aqoonsiga Soomaaliland, isaga oo xusay in iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliland iyo Mareykanu, uu kol horeyba uu soo billowday.

Biixi, ayaa yiri xilligan Beesha Caalamka wuxuu waajib ka saaran yahay inay taageerto xusul duubka Soomaaliland ugu jirto aqoonsi Caalami ah, muhiimadda iyo ballanqaadka dhinaca wada shaqeeynta dhow uu mareykanu siiyay Soomaaliland, dhab ahaantii waa cutub mar hore biloowday.

Muuse, kadib hadal jeedintiisa iyo wafdigiisa waxay kulan la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Maraykanka qeeybteeda Afrika qaabilsan, kulanka kadib qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Twitter, ka ee Xafiiska Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, ayaa lagu yiri, waxaanu soo dhoweynay fursadda aan maanta kula kulanay Muuse Biixi, waxaan ka wada hadalnay xoojinta la shaqeeynta Mareykanka, ee Soomaaliland, iyada oo la raacayo Siyaasadda ah, Soomaaliya oo mid ah.

Muuse Biixi, intii khudbaddisa socotay waxaa Dibedda xarunta Heritage, ka socday labo dibad bax midna looga soo horjeedo booqashada Biixi, midka kaleyna loogu riyaaqsanyahay.

waxaa goobta yimid dad Soomaali ah, oo intooda badani ay kasoo jeedaan Gobollada Waqooyi, kuwaas oo sitay Calanka Soomaaliya, iyo hal ku dhigyo qoraal ah, oo ku dhaliilayaan Madaxweeynaha iyo Heritage,

Xaamud Maasheeye, oo ka mid ahaa dadka bannaan baxayaasha ayaa yiri haddii la isku dayo in la qeeybiyo Ummadda Soomaaliyeed, oo horeyba u kala qeeybsanayd, way is wada dili doonaan wayna is laayn doonaan Caalamkana wuxuu ka baqayay oo ahayd Burcadnimada ayaa xoogaysan doona.

Dadka isku soo baxay ayaa si cad uga soo wada horjeedsaday in Soomaaliya la kala jaro.

Canab Cali Geelle, oo ka mid ahayd Dibadbaxe ayaa tiri waxaan ku mideysannahay annagoo dhan inaan nahay hal Qaran, Dalkeenana uu xornimo horay u qaatay waxaan u baahanahy annaga inaan Dowladda Mareykanka iyo Heritage, inay Xishmeeyaan Shacabka.

Meel u jirto 20 Tallaabo un ayaa ka socday Dibadbax kaloo lagu taageerayo goonni u goosadka Soomaaliland, una riyaaqsan booqashada Biixi,

Ibraahim Khaliil Ibraahim,  oo ah, Dibadbaxe taageersan qadiyadda Soomaaliland ayaa yiri waxaan raadineenay had iyo jeer inay Soomaaliland hesho Madax bannaani.

dad badani ayaa aminsan in Soomaaliland haddii ay hesho Madax bannaani ay Soomaaliya wax dhibaato ah, u keeneenin.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa maalmo sii joogi doona Mareykanka waxa uu kulamo gooni gooni ah, la qaadan doonaa xubno ka tirsan Congress ka iyo Aqalka Sare, kuwaas uu doonaaya inuu ka iibiyo qadiyadda Soomaaliland, waxaa kale uu kulan weeyn la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliland, ee ku dhaqan Dalka Mareykanka, Xigasho VOA Somali

Related Articles

News In English

Fikradaha