Wajiga koowaad ee shirka dib u heshiinta K/Galbeed oo lasoo xiray iyo lacag lagu wareejiyay…

|

Baydhabo (Onkod Radio) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta soo xiray wajiga koowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay ka qeyb-galeen golaha odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed iyo guddiga farsamada shirka.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo gunaanadka wajiga koowaad ee shirka soo xiray ayaa guddiga farsamada shirka iyo guddiga ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka waxa ay la wadaageen warbixin ku aaddan qiimeyn ay ka sameeyeen dhacdooyinkii dhacay.

Guddoomiyaha ayaa guddiga odayaasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala-galay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku waxyeeloobay, laguna dayactiro guryihii ku burburay dhacdadii 23-kii December 2022.

Sidoo kale waxa uu odayaasha u sheegay in la xalin doono wixii culeys ah ee ka yimaada arrintaan, islamarkaana wixii kasoo kordha warbixintooda dib ay ugu soo celiyaan.

Guddoomiyaha ayaa gaba-gabadii shirkan kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaasi oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la-dagaallanka kooxda  Alshabaab.

Shirka dib-u-heshiisiinta oo 17-kii bishaan ka furmay Baydhabo ayaa waxaa lagu waday in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex taagneed madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana muuqata in waqti dheeri ah loo baahday si loogu guuleysto heshiis dhex-mara labada dhinac.

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku jira gacanta kooxda.

Related Articles

News In English

Fikradaha