Wakiilada Puntland oo sii joogi doona sanad & DENI oo talaabo qaaday

|

Garoowe (ONKOD) Golaha wakiilada Puntland ayaa saaka u codeeyey in sannad kale ay sii joogaan ayna dooranayaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiis 8 January.

Go’aankan ayaa  yimid ka dib markii maanta oo Khamiis ah Golaha wakiilada Puntland fadhi ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi DENI ayaa  tanaasulay Doorashadii ‘Qof iyo Codka ahayd taas oo ay mid  uu ku dheganaa in mudda ah.

Siciid Deni oo culeesyo badan la kulmay ayaa ugu dambeyn aqbalay in Puntland ka dhacdo doorashada xilligeedii oo ah 8-da bisha Janaayo ayna soo doortaan madaxweynaha golaha wakiillada Puntland oo ka kooban 66-xildhibaan.

Wareegto uu goordhaw madaxweynaha Puntland soosaaray ayuuna golaha Wakiillada Puntland ugu gudbiyay soo saarista lifaaqa 5-aad ee Dastuurka dowlad goboleedka Puntland , kaddib markii uu ka laabtay doorashadii qof iyo cod.

Doorashada Puntland waxaa caado u ah inay mar walba dhacdo 8da Janaayo, waxaana horey u fashilay iskudayo badan oo Madaxweynayaashii soo maray Puntland.

Shacabka Puntland ayaa intooda badan taageersan nidaamka xisbiyada badan hase yeeshee waxaa la isku khilaafsan yahay wadada loo marayo.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha