WAR-MURTIYEED: Xiriirka ururrada shaqaallaha Soomaaliyeed oo ku baaqay shaqo joojin 10 cisho ah

|

TAARIIKH: JUNE, 10, 2023

UJEEDO: WAR SAXAAFADEED

Ugu horreyn, Xiriirka Guud ee Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu markale u Mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo suurtagaliyay in Shaqaalaha Soomaaliyeed helaan Xafiisyadan aan ku suganahay oo ah kuwo u adeegga danaha Shaqaalaha Weynaha Soomaaliyeed.

 

Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) waxa uu ka walaacsan yahay Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya (DWCP) oo ay saxiixday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (MOLSA)

 

Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu dareen xooggan ka muujinayaa hab-dhaqanka musuq maasuqa xambaarsan ee Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Eman Egah ee uu ku saxiixay barnaamijka shaqo hufan ee Soomaaliya.

 

Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed  waxa uu xusayaa in Agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hada u xiran eedeymo masuq maasuq oo uu ku soo oogey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ay cadeyn buuxda u tahay in wasiirka iyo wasaarada shaqada ay faraha kula jiraan musuq maasuq xoog leh.

 

Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu aad uga xun yahay hufnaan la-aanta iyo xaaladaha tuhunka leh ee ku xeeran wada xaajoodka uu wasiir Biixi ku sixiixey barnaamijka shaqo hufan ee Soomaaliya.

 

Wasiirka iyo agaasimihiisa guud waxa ayy si isdaba joog ah u hareer mareen nidaamka iyo shuruucda xiriirka guud ee ururada shaqaalaha soomaaliyeed ee sharciga ah, taasoo ay ka dhalaneyso su-aalo dhanka sharciga ah kuna saabsan habka loo marayo saxiixa barnaamijka shaqo hufan eeSoomaaliya.

 

Wada-hadallada ku saabsan mashruuca la xiriira barnaamijka shaqo hufan  ayaa ahaa kuwo albaabadu u xirnaayeen isla markaana lagu sixiixey meelo ka baxsan Soomaaliya oo inta badan uu Wasiir Biixi kula kulmay madaxda Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) in kasta oo wada-hadalladani loogu talagaley in ay ahaadaan kuwo saddex geesood ah oo sharci ah,ayna  goob joog ka noqdaan hay-adaha sharciga ee dalka, isla markaana dalka gudihiisa lagu qabto.

 

Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu rumaysan yahay in Agaasimaha Guud ee hadda xiran uu hayo xog muhiim ah oo la xiriirta dhaqamada musuq maasuq ee Wasiir Biixi oo ay ku jiraan xogo la xiriira sixiixa barnaamijka shaqo hufan ee Soomaaliya.

 

Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa kale oo uu aaminsan yahay in ergada Soomaaliya uga qayb-galaysa shirka caalamiga ah ee shaqada (ILC) uu wasiir Biixi si hoose ugu qortay ergo jaabkiisa ah si uu ugu daboolo masuq maasuqa barnaamijka shaqo hufan ee Soomaaliya,  isla markaana wuxuu ku talinayaa in baaritaan  buuxa lagu sameeyo sharci ahaanshaha xubnaha ergadaas.

 

waxa uu soo jeedinayaa reysal wasaare Xamza Cabdi Bare in uu si qoto dheer u baaro qaabkii ay wasaarada shaqada  iyo arrimaha bulshada u wajahday mashruuca shaqo hufan ee  Soomaaliya.

 

waxa uu ku wargalinayaa Hey’adda Shaqaalaha Aadduunka (ILO)  in wax kasta oo ku lug leh dhaqamada musuq maasuqa ee lagu eedaynayo wasiirka iyo wasaaradiisa shaqada ay saameyn buuxda ku yeelan doonto sumcada iyo hufnaanta ILO.

 

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin barnaamijka shaqo hufan  oo loo dhan yahay, oo Soomaaliya ka hirgala,Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed   waxa uu soo dhaweynayaa baaris kasta oo xukuumaddu ku hubineyso wixii dhacay iyo isla xisaabtan madax banaan oo lagu sameeyo wasaarada iyo wasiirka shaqada.

 

waxa uu si weyn u taageersan yahay siyaasada Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha JFS mudane Xamza Abdi Barre ee ciribtirka iyo la dagaalanka musuq maasuqa laamaha dawlada JFS.

 

Gebagabadii: Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) waa dalad ay ku mideysan yihiin 11 urur shaqaale oo la aa- aasay sanadkii 2011-kii xaruntiisa dhexana ay tahay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

 

Xiriirka guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaa ku mideysan ururada Shaqaalaha sida:

# Ururka Shaqaalaha kaluumeysatada

#Ururka Shaqaalaha Beeraha

#Ururka Macalimiinta Qaranka Soomaliyeed.

#Ururka Shaqaaalaha Dhismaha iyo Xooga Korontada.

#Ururaka ShaqalahaGaadiidka.

#Ururaka Shaqaalahahoteelada.

# Ururka Shaqaalaha dawladaha hoose,

# Ururka Shaqaalaha caafimaadka

# Ururka Shaqaalaha muruq-maalka dekadaha

# Ururka Shaqaalaha fanka iyo farshaxanka

# Ururka Shaqaalaha isgaarsiinta

Mahadsanidiin

Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed    

 

Related Articles

News In English

Fikradaha