Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saakay lagu garaacay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Dadka deegaanka, ayaa sheegay in saddex hoobiye ay ku dhaceen xaafada Wadajir, hayeeshee mid kamid ah uu ku habsaday Guri ay dad rayid ah deganaayeen, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday Hooyo iyo Canugeeda, halka ay afar carruur oo kale ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo hadda xaaladooda lagula tacaalayo isbitaalada magaalada Baydhabo.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan hoobiyeyaasha saakay lagu garaacay meelo kamid ah magaalada, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale horay Al-shabaab hoobiyeyaal sababay dhimasho iyo dhaawac ay horay ugu geysteen xaafadaani.
Sikastaba, weerarkaan hoobiyeyaasha ee saakay lagu garaacay magaalada Baydhabo, ayaa ku soo aadaya xili labo todobaad ka hor Al-shabaab weerar ay ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku lee yihiin duleedka magaalada Baydhabo jab xooggan lagu gaarsiiyay.