Wararkii ugu danbeeyay weerar toos ah, oo ka socda xerada xalane, ee u dhow Aadan Cadde Airport

|

Muqdisho (Onkod Radio)–Faah faahino dheeraad ah, ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ay ku qaadeen gudaha xerada Xalane oo ku dhex yaallo garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena ay deggan yihiin ciidanka AMISOM.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay garoonka kasoo weerareen dhanka iskuul Buliisiya, gaar ahaan hotel ku yaalla afaafka hore ee xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, oo lugeynayaa ayaa galay xerada, lamana oga sida ay ku gaareen maadaama halkaas si weyn loo ilaaliyo amnigeeda.

Iska hor imaad u dhexeeyo kooxda weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka ayaa haatan ka soconaya xarunta Eeyaha tababaran ee u shaqeeya sida askarta, kuwaas  lagu baaro  walxaha qarxa, sidoo kale wuxuu weerarku  gaaray xafiiska Toyota ee SKA.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in haatan toogasho ay ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay wakaaladda wararka Andaluus.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkaasi oo weli ka socda halkaasi.

Related Articles

News In English

Fikradaha