WARBIXIN | Amniga Xasan Sheekh oo loo baqayo ka dib Maxaas maxaa xiga?

|

Maxaas  (ONKOD) Howlgalka wajiga labaad ee madaxwaynaha uu sheegay inuu horkacayo waxaa la saadaalinayaa inuu ku dhaw yahay fashil inuu ku yimaado sida qubarada amniga ay sheegayaan.

Madaxaynaha  inta uu ku sugnaa Galmudug waxaa jiray khilaaf ka dhashay hoggaaminta ciidanka  kaas oo intiisa badan uu dhaxmaray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Banaanka waxaa yaala dayacii ciidankii lagu laalayay deegaanka Cawswayne , kaas oo qayb wayn ka qaatay ,  tuhunka ku saabsan wada shaqaynta Al- Shabaab iyo masuuliyiin sar  sare ee howlgalka hoggaaminaysa.

Madaxwaynaha oo  cabsi ka qaba  sida daacada aan looga ahayn ujeedkiisa  Dhuusmareeb ayaa si deg deg ah ugu baqoolay degmada Maxaas si uu u helo kalsoonidii uu ka waayay  Galmudug.

Maxaas waxa uu kula kulmay Guddoomiyihii hore ee Hiiraan  Cali Jayte oo laga  cayriyay maamulka Hiiraan , waxaana la xusuustaa kaalinta uu ku  lahaa bilowga howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Al- Shabaab , sidoo kale madaxwaynaha waxa ay is arkeen beelaha Hiiraan.

Waxa  uu uga waramay sida uu u doonayo in  iyaga uu ka helo  taageero ku saabsan dagaalka dowladiisa ay kula jirto kooxda Al- Shabaab , maadama ay u muuqatay hubaal la’aantii ka jirtay  Dhuusmareeb.

Maanta isaga oo shir  madaxwaynaha uu kula leeyahay degmada Maxaas beelaha qaar ee Hiiraan iyo saraakiishooda waxa uu ka badbaaday isku day  dil waxaana ciidanka ay qarxiyeen gaari laga soo  buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Tani waxa ka horeysay digniin loo jeedayay Madaxwayne Xasan oo la xiriirtay inuusan  isku aaminin saraakiisha ciidan ee isaga uu moodayo in daacad ay ka yihiin howgalada socda.

Maadama albaabada qaar  ay u muuqdaan in madaxwaynaha ay ka soo xirmayaan waxay quburada amniga ay sheegayaan in la joogo waqtigii uu u soo laaban lahaa magaalada Muqdisho  oo uu amni ku haystay.

Sidoo kale waxa lagu talinayaa in  Madaxwayne Xasan uu la yimaado isbedel uu ku sameeyo saraakiisha ciidanka  , isla markaana uu cayriyo Wasiirka  Gaashaandhigga oo tuhun  badan laga qabo.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha