WARBIXIN : Muqdisho oo roob uu kala gooyay –xaaladda caasimadda

|

Muqdisho (ONKOD) 24 kii saac ee la soo dhaafay waxa magaalada Muqdisho ka da’ay roob xooggan oo saamayn ku yeeshay is socodka dadka iyo gadiidka magaalada.

Waxaa aad cariiri u ah adeegsiga dadwaynaha iyo gadiidka ee magaalada Muqdisho taas oo ka dhalatay wadooyin muhiim ah oo caasimada ah oo roobka uu kala jaray.

Waddooyinka qaar ayaa gabi ahaanba go’ay halka kuwo kale uu soo gaaray burbur baxaad leh taas oo keentay in dadka si caadi ah u adeegsan waayeen waddooyin muhiim ah .

Gadiidka ayaa aad   culus ugu noqday meelo ka mid ah caasiamad inuu adeegsado waxaana qaarkood ay isticmaalayeen waddooyin dhaxmara xaafadaha qaar ee caasimadda.

Bajaajta ayaa ah kuwa  ugu badan ee ay soo wajahday caqabada xaga isu socodka ah waxaana ay ku xanibeen intooda badan waddooyinka qaar gaar ahaan goobo la dayactiray dhawaan.

Xaafadaha qaar waxaa dhax fadhiya oo harqiyay biyo aad u xoogan halka kuwo kale dadka ay qarka u saran yihiin in ay isaga barakacaan oo ay raadsadaan goobo kale.

Gobolka Banaadir waxaa dhawaan laga xarig jaray dhawr waddo  kuwaas oo qarakooda ku burburay roobka ka da’ay caasimadda oo sababay in gadiidka ay adeegsan waayaan.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha