WARCUSUB : Cadaadis ku yimid in ay kulmaan DENI & Xasan Sheekh

|

Garoowe (ONKOD) Waxaa soo ifbaxaya warar ku saabsan in dhawaan ay kulan yeelan doonaan markii   ugu horeysay Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya iyo  iyo Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi DENI.

Labada masuul ayaa in mudda ah u dhaxeysay khilaaf ka dhashay magacaabistii Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Bare iyo arriamaha doorashooyinka 15-kii May

In mudda ah waxaa socday dadaal ay riixaysay Qaramada Midoobay kaas oo ujeedkiisu uu ahaa in la dhameeyo khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Puntland.

Khilaafka labada dhinac ayaa saamayn wax uu ku yeeshay hanaanka Dowladnimada waxaana miiska wada – hadalada iyo go’aanada in mudda ah ka  maqnaa maamulka Puntland.

Kulan  ka dhacay magaalada Garoowe oo ay  garwadeen ka ahayd wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobay Midoobay ayaa la isla gartay in kulan fool ka fool ah uu dhaxmaro Xasan Sheekh iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Si kastaba ahaatee talaabadan ayaa wax  badan ka bedeli karta xiriirka xumaa ee  in mudda ah u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Puntland.

 

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha