WARCUSUB : Hoobiyaal lagu garaacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

|

Muqdisho (ONKOD) Tiro  hoobiyaal ah ayaa saaka ku dhacay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho sida ay ku warameen goobjoogayaal halkaas ku sugan oo aan la hadlnay.

Hoobiyaashan ayaa ka mid ah tiro hoobiyaal ah oo ku dhacayay saacadihii la soo dhaafay degmooyinka Wadajir iyo dharkanlay ee magaalada Muqdisho halkaas oo iska hor imaad uu ka jiro.

Dowladda ayaa weerar ku qaatay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Generaal Sheegow oo iska caabiyay ciidamo [ isaga ] ku weeraray Gurigiisa.

Qalqal  ayaa ka jira Garoonka Aadan Cadde halkaas oo ay gaarayaan   hoobiyaasha ka dhacaya degmada Dharkanlay ee magaalada Muqdisho , oo dadka deegaanka farta wadnaha ay ku hayaan.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka garoonka iyo hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha