WARCUSUB : Rasaas laga maqlayo gudaha Baraawe & adeegii koronto oo maqan

|

Baraawe  (ONKOD ) Wararka  caawa  laga helayo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in  dagaal galabta bilowday uu soo gaaray caawa.

Dadka  deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu gaystay khasaare soo kala  gaaray labada dhinac ee ku dagaalamaya magaalada Baraawe.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya oo fariisin ku leh gudaha magaalada Baraawe iyo ciidanka daraawiishta koonfur Galbeed.

Dad ku sugan magaalada Baraawe ayaa sheegaya in dhaawacyo badan la dhigay goobo caafimaad oo ku – yaala magaaladaas kuwaas oo u badan dhinacyada dagaalamay.

Magaalada dhaxdeeda ayaa laga maqalayaa dhawaqa rasaasta  taas oo muujinaysa in wax xal ah wali laga gaarin dagaalka galabta bilowday ee soo gaaray caawa.

Guud  ahaan magaalada  Baraawe ee Shabeellaha hoose ayaa caawa laga soo sheegayaa in ay ka maqan tahay korontada oo ay tahay mugdi sida ay sheegeen dadka deegaanka.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha