WARCUSUB : Xeer Ilaalinta Qaranka oo Mas’uuliyiin hor leh u xirtay Musuq

|

Muqdisho (ONKOD ) Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee la soo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo afartan ruux oo ku eeddeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, iyo ku tagrifal awoodeed

Afartanka Ruux ee Baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in 40 ruux loo qabtay Musuq, 18 ka mid ahna Eeddooda Maxkamadda loo gudbiyay 12 kalena ay Baaris ku socota

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad afartan ruux oo ku eedeysan inay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed” ayaa lagu yiri qoraal laga sii daayey warbaahinta Dowladda.

Dhawaan ayay ahayd markii xubno ka mid ah Dowladda xeer ilaalintu ay sheegtay in loo haysto musuq qaarna ay xiran yihiin , kuwo kalena ay baxsadeen isla markaana ay sii socon doonto barista dad hor leh.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha