Muqdisho (ONKOD) Koox dhallinyara ah oo ka tirsan ciidanka NISA ayaa maanta qarax lagula eegtay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Askartan ayaa la sheegay in baaritaan ay ka wadeen xaafado ka mid ah degmada Wadajir halkaas oo qarax bambaano lagula eegtay.
Laba ka mid ah dhallinyaradaas ayaa ku waxyeeloobay weerarkaas oo ilaa iyo hadda aan masuuliyadiisa kooxna sheegan.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo boolis ah kuwaas oo goobta ka qaaday ciidanka waxyeeladu ay soo gaartay.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ma aysan ka hadal , weerarkan lagu qaaday askarteeda howlgalka ka waday xaafado ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.