WARKOOBAN : Askar NISA oo lagu beegsaday maanta Muqdisho.

|

Muqdisho (ONKOD) Koox dhallinyara ah oo ka tirsan  ciidanka NISA ayaa maanta qarax lagula eegtay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Askartan ayaa la sheegay in baaritaan ay ka wadeen xaafado ka mid ah degmada Wadajir halkaas oo qarax  bambaano  lagula  eegtay.

Laba   ka mid ah dhallinyaradaas ayaa ku waxyeeloobay weerarkaas  oo  ilaa iyo hadda aan masuuliyadiisa  kooxna sheegan.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo boolis ah kuwaas oo goobta ka qaaday  ciidanka  waxyeeladu ay  soo gaartay.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ma aysan ka hadal , weerarkan lagu qaaday askarteeda howlgalka ka waday xaafado ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Related Articles

News In English

Fikradaha