Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa halkaas kula kulmay Duqa Magaalada Minneapolis Mudane Jacob Frey.
Labada Mas’uul ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee magaalada Minneapolis oo ay Soomaalida uga badan ee Mareykanka deggan ku dhaqantahay.
Wasiirka ayaa dhanka kale ka xogwareystay duqa Minneapolis doorka ay Soomaalidu ku leedahay magaaladaas iyo guud ahaan Gobolka Minnesota, halka uu duqa magaaladuna ku nuuxnuuxsaday doorka shariifka ah ee ay Soomaalida ka ciyaarto dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga, shaqada iyo siyaasadda gobolkaas.
Ugu dambeynti ayuu Wasiir Al-Cadaala uga mahadceliyay duqa magaalada Minneapolis martiqaadka uu u fidiyay iyo sida uu ugu soo dhoweeyay magaalada udub-dhexaadka u ah Soomaalida ku nool Mareykanka.
Isha warka: SONNA