Wasiir qarka u fuulay in xilka laga tuuro oo raalli galin bixiyay

|

Muqdisho (ONKOD ) Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan  Macallin ayaa maanta markale waxa uu hortagay xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Xasan Macallin ayaa  fadhigaan kii ka horeeyay waxa  uu  Golaha shacabka ku amray inuu dib  u laabto ka dib markii uu ka soo dib dhacay waqtiga loogu  tala galay inuu yimid Golaha shacabka.

Wasiirka ayaa wajahi lahaa su’aallo waydiin ay u qabeen xildhibaanada Golaha shacabka oo la xiriira heerka cadaalada dalka iyo maxaabiis badan oo isaga xir xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Xasan Macalin ayaa sheegay in uu ka xun yahay kana raaligalinayo xildhibaannada saddex dhacdo uu sheegay in si aan ku talagal aheyn uga dhaceyn, waxa uuna xusay in uu arrintaasi raaligelin ka siinayo xildhibaannada.

Wasiirka ayaana raaligelinta xildhibaannada kaddib golaha kahor jeediyay hindise sharciyeed ay soo gudbisay wasaaradiisa, waxa uuna ka codsaday in ay akhriyaan ayna meel mariyaan hindisaha.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaaa dood ka yeeshay hindise sharciyeedka ay wasaaradda caddaaladda usoo gudbisay, waxa ayna xildhibaannada dooda dhiibtay ka hadleen sida ay u arkaan hindisahan la horkeenay.

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha