Wasiirka Amniga guddaha XFS oo shirguddoomiyey shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood

|

Onkod Radio – Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto.

Xigasho – Sonna

Related Articles

News In English

Fikradaha