Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad goboleedka Hir-shabeele Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay deeganada ku teedsan wabiga shabeele, kaasi oo ka dhashay khasaaro kala duwan.
Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo Al-shabaab, ayaa ahaa mid xooggan oo socday muddo dhowr saac ah, waxaana la sheegay in khasaaro culus kooxdu lagu gaarsiiyay dagaalka.
Wasiir amniga Hir-shabeele, ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ku teedsan jiinka Wabiga Shabeelle ee degmada Buulobarde.
“dagaalkii maanta waxaa khasaaro culus lagu gaarsiiyay kooxda argagixisada. waxaa ka go’an Dowladda Hirshabelle inay guud ahaan gobollada Hirs-habeele ka xoreyso gacanta kooxaha argagixisada” ayuu yiri wasiirka amniga Hir-shabeele.
Sidoo kale wasiirka ayaa u mahadceliyay Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka dadaalkooda joogtada ah ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Hir-shabeele.
Ugu dambeyn wasiir Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa carabta ku dhuftay in ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka uusan dagaal khasaaro kasoo gaarin, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhan ka ah kooxda Al-shabaab.