Mudane Fiqi, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinaca ciidamada ayaa sheegay, in Turkigu xiriir miro-dhalay la leeyahay Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in tusaale ahaan xerada ciidamada TÜRKSOM uu Turkigu ku tababaro kuna qalabeeyo ciidamada Soomaaliya, taas oo sida wasiirku sheegay ka caawisa Soomaaliya xoojinta difaaca dalka iyo sugidda amniga.
Rajada sii socoshada xiriirka iskaashi ee labada dal ayuu Wasiir Fiqi ku sheegay mid sarraysa oo aan mugdi ku jirin.
Waxaa xusid mudan in Turkiye iyo Soomaaliya ay wadagaleen heshiisyo dhinacyo badan sida dhaqaalaha, sahminta iyo qodista shidaalka, difaaca dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada.
ONKOD RADIO