Wasiirka warshadaha Somalia oo kulan xasaasi ah la qaatay safiirka Turkiga ee Somalia

|

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta kulan  la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa fursad muhiim ah oo labada masuul ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Mas’uuliyiinta ayaa wadahadallada si gaar ah diiradda u saaray kor u qaadista iskaashiga ganacsiga, horumarinta warshadaha, iyo dhiirrigelinta maalgelinta gaar ahaan dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa xusay in kulanka uu horseeday is-afgarad muhiim ah oo ku saabsan sidii loo dardargelin lahaa ka qeybgalka ganacsatada Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay, si loo abuuro dhaqaale kobca, loona dhiso iskaashi waara oo ku dhisan dan-wadaag iyo horumar waara.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la sii xoojiyo xiriirka labada dal, iyadoo lagu saleynayo ixtiraam, is-kaashi dhab ah iyo dan guud.

Related Articles

News In English

Fikradaha