Weerar lagu laayay kooxo Islaamiyiin ah oo ka dhacay dalka Burkina Faso

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Ciidamada Burkina Faso ayaa sheegay in ugu yaraan 128 dagaalyahanno ah oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ah lagu dilay saddex howlgal oo militariga dalkaasi sameyeen.

Dowladdu waxay sheegtay in howgallada dhulka iyo cirka ah ee lagu sugayo ammaanka la xoojiyay bartiamihii bishii May iyo bishaan Juune ee aan ku jirno. Burkina Faso ayaa la dhibaatoonaysa weeraro joogta ah oo kaga imaanaya kooxaha jihaad doonka ah tan iyo sanadkii 2015-ka.

Bishii la soo dhaafay weerar ka dhacay magaalada Seytenga ee waqooyiga gobalka Saaxil,ayaa lagu dilay in ka badan 80 qof waxaana ku barakacay kumannaan kale.

Bishii Jannaayo ee sanadkaan milatariga ayaa af-gembi kula wareegay awoodda waxayna dowladda ku eedayen in ay ku fashilantay wax ka qabashada ammaanka iyo weerarada ay gaysnayana kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Related Articles

News In English

Fikradaha