Wefdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood +UJEEDKA

|

Laascaanood (ONKOD ) ilaa 40 xubnood oo isugu jira wasiiro, Xildhibaanada labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wafdigan oo ah kii ugu ballaarnaa oo tega gudaha Laascaanood ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde

Ujeedada safarka masuuliyiinta dowladda federaalka ayaa lagu sheegay mid taageero ah oo loo muujinaayo reer Sool. Qaar kamid ah wefdiga oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in ay u kuur geli doonaan xaaladda gobolka guud.

Mas’uuliyintaan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Gambare kusoo dhaweeyay madax ka tirsan SSC-Khaatumo iyo saraakiil ciidan, kadibna waxaa la geeyay Laascaanood.

SSC-Khaatumo ayaa hadda dhamaystirtey maamulkii deegaankaas, iyada oo maalintii Salaasada lagu dhawaaqey golaha xoghayahaasha ee maamulka SSC-Khaatumo.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa muddo ku dagaalamaya SSC-Khaatumo iyo Somaliland, waxaana horay u tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gagaar gaarsiiyay magaaladaasi.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha