Weriye Cumar Seerbiya “Waxaa la igu xiray madaarka Hargaysa”

|

Hargeysa (Onkod Radio) — Mid ka mid ah weriyeyaasha Soomaalida, gaar ahaan arrimaha fanka sida weyn loogu yaqaanno Cumar Seerbiya, ayaa sheegay in lagu xiray garoonka Hargaysa oo uu maanta ka dagay.

Ma uusan sheegin sababta, balse farriin uu soo dhigay degelkiisa Facebook ayuu ku sheegay in la xiray, lamana oga sida uu ku haleelay in uu Facebook wax ku qoro iyo sida uu hadda xaalkiisa yahay.

Cumar ayaa ka hawlgala taleefishinka Astaan, isaga oo daadihiya barnaamijyada fanka, wuxuuna dhowaan qorey buug ka hadlaya fanka Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha