WFP : Soomaaliya iyo dalal Afrika ah oo dadkooda u dhiman doonaan Gaajo.

|

Muqdisho (ONKOD) Walaac aad   u xoogan ayaa laga qabaa , in dalal badan oo bariga Afrika ah oo ay Soomaaliya ku jirto in ay soo food saarto xaalad adag oo xaga cuna- yarida taas oo saamayn ku yeelan doonta kumaan dad ah oo ku nool wadamadan.

Hay’adda cunada Aduunka WFP ayaa shaacisay wadamo badan oo bariga Afrika ah in ay qarka u saran yihiin cuni- yari salka dhigan doonto meel aan waxba laga qaban karin haddii hadda aan lala imaan qorshe .

Dalalka, Djibouti, Ethiopia, Soomaaliya, South Sudan, Sudan iyo Uganda ayaa ah wadamada Hay’adda cunada Aduunka ay sheegtay in dhibaato xaga cunada ah ay soo wajahi doonto dadka  ku nool.

Hay’addu waxa ay sheegtay in dad badan oo wadamada ku nool hadda ay bilaabeen in deegaanada qaar ay isaga baxsadaan si ay u helaan cuno ku filan kuwo – kalena ay bilaaabeen in xoolahooda ay iibiyaan si ay  ugu noolaadan.

Dad Hay’addu ay ku qiyaastay  ku dhowaad 60 milyan oo qof oo ku nool wadamada bariga Afrika  inaanay haysanin cunto ku filan taas oo keeni karta in qoysas badan dantu ku riixdo in ay ka baxsadaan halka hadda ay ku nool yihiin .

Marka loo eego cabirada ay Qaramada Midoobay u isticmaasho heerka sugnaanta cuntada, heerka afraad ayaa lagu cabiraa, marka ay bulshada soo foodsaarto cunto yari aad u daran, isla markaana ay halis ugu jiraaan inay u dhintaan gaajo

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha