Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo laga diiwaangeliyay Boosaaso

|

Xarunta Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu diiwaangeliyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo soo gaartay dad rayid ah mudadii uu socday dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Warbixintan ayaa Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu ka dalbaday in ay dowladdu caddeyso cidda leh mas’uuliyadda xadgudubyada ka dhacay Boosaaso.

Xafiisku wuxuu ku baaqay in dadka dhibaatadu gaartay ay helaan magdhow u dhigma dhibta soo gaartay ee nafeed ama hantiyeed. Wuxuuna ka digay Xafiisku in dhinacyadu iska indho tiraan arrintaas.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku howlan xal-u-helidda xiisadda Boosaaso in ay xaqiijiyaan isla markaasna qorshaha ku darsadaan hab walba oo sahli kara in ay dhibanayaashu si deg deg ah u helaan caddaalad.

Dagaal ka dhacay magaalada Boosaaso bishii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa ku dhintey dad badan oo rayid ah iyadoo sidoo kale kunanaan ruuxna ku barakaceen.

Xigasho: Jowhar Online

Related Articles

News In English

Fikradaha