Xafiiska Xamza oo la wareegay deeq ay isku qabsadeen laba Wasaaradood

|

Muqdisho (Onkod Radio) —  Xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah ula wareegay deeq raashin oo ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, oo muddo 7 beri ah, ku xayirneyd dekadda Muqdisho kaddib markii la isku qabsaday ciddii maamuli laheyd.

War qoraal ah, oo kasoo baxay xafiiska Xamza, ayaa lagu sheegay inay deeq daas la wareegaan wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr, iyo masu’uliyiin kale.

Deeqda oo ka kooban 40 konteenar ayaa isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza, ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya, waxay ka shaqeyneysaa inay u gaarsiiso dadka ugu baahida badan ee gobollada dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Maareynta Musiibooyinka, ayaa isku qasbaday la wareegista iyo maamulka gargaarka, waxayna taas ugu dambeyn keentay inuu soo farageliyo xafiiska ra’isuwasaare Xamza Cabdi Barre.

Arrintan ayaa waxaa horey ugu shaqo laheyd wasaaradda Maareynta iyo musiibooyinka oo hadda la baabi’iyay, waxaana caddeyn cidda la wareegtay shaqadeeda.

Related Articles

News In English

Fikradaha