Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku eedeeyay labo askari saxiix qalliin sababay geerida hooyo uur leh.

|

Muqdisho, Soomaaliya (Onkod Radio) Labo askari oo lagu kala magacaabo Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed ayaa  xafiiska xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku eedeeyey saxiix qaliin aysan xaq u lahayn oo lagu sameeyay Marxuumad u geeriyootay qalliinkaas, sida ay tebisay warbaahinta Goobjoog

Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo aheyd hooyo uur leh, gaaratayna xilligii dhalmada ayaa qalliin lagula sameeyay isbitaalka Digfeer taas oo sababtay in hooyadu geeriyooto. 

Labada Eedeysane oo lahaa Xiriir aan dhaafsiisneyn in ay ahayeen dad asxaab ah, ayaa Isbitaalo kala Duwan oo ay geeyeen Marxuumada laga wada helay hal natiijo oo isku mid ah, taas oo ah in Qaliin lagu umuliyo, maadaama uu ilmaha uurka ku jiro uu yahay mid dhintay, ayna Maraan Habraaca. 

Waxa ay dib ugu laabteen Isbitaalka Digfeer, iyaga oo sheegay in aysan awoodin qarashaadka Isbitaalka, Maalmulka isbitaalka ayaana u fidiyay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah marxuumadda. 

Waxaa loo baahday Saxiixa Ehelka Marxuumada ama Aabaha Cunuga Caloosha ku jira oo Waajib sharci ah ka aheyd isbitaalka in la maro Habraacaas. 

Waxa ay Saxiixeen qaliinkeeda iyaggoo kala Matalay Seyga iyo Walaalka Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo Sodon iyo Kowda Bishii seddexaad ee sanadkaan geeriyootay Qaliin loogu sameeyay Hospital ka Digfeer Ee Muqdisho. 

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday labaatankii Bishaan . 

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta siiyay xoriyadooda Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed. 

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.
Maxkamadda Ciidamada 

 Xogta warkan: Goobjoog

Related Articles

News In English

Fikradaha