Xamaas oo siideysay maxaabiis u dhashay israaiil

|

Ofer Kalderon oo 34 jir ah iyo Yarden Bibas oo 54 jir ah ayaa lagu wareejiyay ciidamada Israa’iil ee Qasa ku sugan, sida ay xaqiijiyeen militariga Israa’iil.

Weli waxaa la sugayaa sii deynta Keith Siegel, oo 65 jir ah, kaas oo heysta dhalashada Mareykanka iyo Israa’iil. Waxaa lagu wadaa in lagu sii daayo munaasabad kale oo ka dhacaysa Qasa.

Isaga iyo xaaskiisa Adrienne, oo sidoo kale loo yaqaanno Aviva, ayaa laga kaxaystay gurigooda ku yaalla Kibbutz Kfar Aza. Adrienne ayaa la sii daayay intii ay socotay xabbad-joojintii ugu horreysay bishii November 2023.

Labadan nin ayaa dib ugu laaban doona Israa’iil si loo qiimeeyo xaalkooda caafimaad.

Related Articles

News In English

Fikradaha