XAMAS, oo si lama filaan ah oo war uga soo saartay doorashadii Xasan Sheekh

|

Muqdisho (Onkod Radio ) – Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa Xamas, Ismaaciil Haniyah, ayaa war kasoo saaray doorashadii madaxtinimo ee 15-kii bishaan May ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xamaas, oo inta badan aan ka hadlin arrimaha Soomaaliya, soona hadal qaadin, ayaa warka cusub ee kasoo baxay uu yahay mid aan laga fileyn, taasi oo muujineysa sida guusha madaxweyne Xasan Sheekh dunida ugu soo jeedisay Soomaaliya.

Mudane Haniyah, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku bogaadiyay guusha weyn ee uu ka gaaray doorashadii 15 kii May.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa ee Ururka Xamas, ayaa sidoo kale xusay inay u duceynayaan Madaxweynaha cusub, si Eebbe ugu fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

“ka Dhaqdhaqaaq Xamas ahaan iyo guud ahaan Shacabka Falastiin, waxa aan farriintaan hambalyada ah, u direeynaa Walaalaheenna Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee la doortay, waxa aan ugu duceyneenaa Horumar iyo Barwaaqo, innaga oo u rajeynayno wax qabad Qaranka iyo dadka” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

Sidoo kale wuxuu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, inuu doorkiisa ka qaato qadiyadda Falastiin, isla-markaana uu garab istaago shacabka Falastiiniyiinta.

“Waxa aan kuu rajeynenaa in aad guullo ku hoggaamisid dalka una adeegtid qarankaaga si aad wax ugu qabatid arrimaha waaweyn ee ku horyaalla, arrinta falastiin, waa in aad doorkaaga ka qaadataa, si kal iyo lab ah, ayaan kuugu duceynaa mudane guul iyo in Walaalaheen Soomaaliya, aad gaarsiisid horumar iyo Barwaaqo” ayuu sii raaciyay.

Guusha Xasan Sheekh, ayaa waxaa horay uga hadlay dowlado dhowr ah, iyo ururo caalami ah, oo soo dhoweeyay isbaddelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha