XAQIIQ : MD Xasan Sheekh aadbuu u jecel yahay qofkii Amaana !!

|

Dhuusmareeb (ONKOD)  Warbaahinta gudaha waxa qabsaday xildhibaano aad u dhaliilsan hadal aqalka sare ka soo  yeeray Senator  Osmaan Dubbe kaas oo sheegay in xildhibaanada qaar Muqdisho u joogaan qaaci.

Dubbe waxa  uu ku amaanay Madaxwayne Xasan Sheekh inuu tuute gashtay oo uu ku sugan yahay goobaha dagaal ee howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab isagoo doonaya inuu ka qayb galo dagaalka.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in loo baahan yahay in wasiir Dubbe uu raalli galin ka bixiyo , hadalka ka soo yeeray ee uu ku daray xildhibaanada isla markaana ku aamanay MD Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha wali waxa uu ku sugan yahay Dhuusmareeb ma tagin jeeda hore ,  taa bedelkeedana Madaxtooyada Galmudug ayaa kulama ka wadaa taas oo cadayn u ah inuusan tagin jiida dagaalka.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay Dhuusmareeb waxa uu dhankiisa amaan kala dul dhacay Senator Dubbe oo uu  ku tilmaamay in Soomaalinimada jecel loona baahan  yahay in qof kasta sidaa uu noqdo.

Waxa uu  duray Madaxwaynaha  dadka baraha bulshada ku dhaliia Dowlada uu madaxda ka  yahay , oo  uu sheegay inay jiraan kuwa ka shaqeynaya isku dirka iyo  nacaybka bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula taliyey qofkii aan garab istaagi karin hawlaha uu ka shaqeynaayo inuu iska aamuso.

Senator Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa fadhigii Golaha Aqalka Sare ku canaantay Xildhibaannada BFS, isagoo sheegay inay isaga jiraan nolol caadi ah, xilli dalka uu ka socdo dagaal jihaad ah oo dowladii ay ka tirsanaayeen ay ku qaaday Al-Shabaab.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha