Xarunta Barlamaanka Puntland oo quful la saaray- maanta maxaa jira ?

|

Garoowe (ONKOD) Maxkamada Dastuuriga ee maamul goboleedka Puntland ayaa  kala dirtay xubnaha Barlamaanka maamulkaas ka dib markii muran uu ka dhashay muddo kordhintii sanadka ahayd ee ay samaysteen.

Buuq badan ayaa ka dhashay ka dib markii xal laga gaaray doorashada Madaxwaynaha in Barlamaanka maamulkaas uu  isku caleema saarto inuu sii joogi doono muddo sanad ah.

Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhamaanayo Saciid Cabdullaahi DENI ayaa dhankiisa waxa uu qorshaynayaa in sida ugu dhaqsiyaha uu u soo magacaabo Guddiga doorashada maamulkaas.

Maxkamadda ayaa cadeysay in muddo xileedka baarlamaanka Puntland uu ku egyahay 31-12-2023, iyadoo meesha ka saartay go’aankii ay ku sameysteen muddo kororsiga.

Puntland, maamul goboleed dhisan tan iyo 1998-dii, ayaa todobaadkii hore u jiheysatay doorasho madaxwayne iyo baarlamaan kadib is-xag-xagasho siyaasadeed oo taagneyd ku dhowaad halkii sano ee ugu dambeeyay.

Hubanti la’aanta doorashadda ayaa soo idlaatay markii madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ku dhawaaqay in loo laabanayo doorashadda 66-da Xildhibaan kana laabtay cod-bixinta qof iyo codka ah.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha