Xasan sheekh iyo laftagareen oo xarigga ka wada jaray xarun cusub oo madaxtooyada lagu soo kordhiyay

|

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si wadajir ah Xarigga uga jaray xarunta cusub ee lagu soo kordhiyay Madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo maamulka iyo Shacabka dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

“Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

“Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen, Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doonnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna, si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba.”

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh Maxamed oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Koonfur Galbeed oo kamid ah maamul goboleeyada ka jira dalka.

Sida uu ogaaday Onkod Radio Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa booqashadiisa Baydhaba, kadib u gudbi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Madaxweyne Xasan uu berri tegayo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, marka uu ka dhamaado howlaha Baydhabo.

Qaban-qaabo ku aadan safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaas, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay booqashadiisa u muuqataaa mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Related Articles

News In English

Fikradaha