Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo la la’aa kaddib kulan ka soo muuqday

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida ay baahisay Villa Soomaaliya kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Mudane Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal, iyo sida la isaga kaashan lahaa ganacsiga.

“Kulankan ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna.Dhankiisa.” ayaa lagu sheegay warsaxafaadeedka ka soo Villa Soomaaliya.

Qaar ka mid ah waftigii ku wehliyay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Imaaraadka Carabta lagu geliyay karantiil.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

Related Articles

News In English

Fikradaha