Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii labaad loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Waxaa xalay lasoo gabagabeeyay codeynta doorasho la isla gaaray wareegga 3-aad oo soo bilaabay Axaddii, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, oo horay u soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya.

intii u dhaxeysay sannadihii 2012—2017-kii. Xasan Sheekh, wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo horay uu xukunka ugu wareejiyay shan sanno ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh, ayaa wareeggii 2-aad uga soo gudbay 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uga soo gudbay 83-cod, waxayna labada musharrax ku kala hareen wareeggii ugu dambeeyay ee 3-aad.

Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay duhurkii ayaa lagu kala baxay saqda dhexe ee xalay, waxaana soo xirmay toddobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh, oo horay ugu guuleystay in dowladdii uu hoggaaminayay ay rasmi noqoto oo KMG ka baxdo burburkii kaddib, wuxuu xalay noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya. Kooramka xildhibaannadii codeeyay ayaa ku furmay 329 xildhibaan, oo isugu jira labada Aqal ee BFS, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Doorashadaan waxaa ka qeyb galay 36 musharrax, waxaana wareeggii 1-aad ka soo gudbay afar musharrax oo kala ahaa Xasan Sheekh, Maxamed Farmaajo, Saciid Deni, iyo Xasan Kheyre, waxaana wareeggii 3-aad u gudbay Xasan Sheekh, iyo Maxamed Farmaajo, ugu dambeyntiina waxaa xalay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamud.

Related Articles

News In English

Fikradaha