Xasan Sheekh oo gaaray Ankara + ujeeddada safarkiisa

|

Ankara (ONKOD ) — Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya la-taliyeyaal ka tirsan xafiiskiisa, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa isla markiiba kulamo gaar gaar ah la bilaabay madaxda sare ee xukuumadda Ankara oo uu kala hadlayo arrimo ku aadan iskaashiga labada wadan iyo xoojinta xiriirka xoogan ee haatan u dhexeeyo labada dowladood.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir khadka taleefoonka ah ula sameeyay Erdogan ayaa ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu mar kale ka gaaray doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi.

Labada madaxweyne ayaa isla soo hadal qaaday ahmiyadda xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalka sida weyn looga taageeray guusha uu mar kale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday dalka Turkiga.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah laba dal oo saaxibo ah, waxayna xukuumadda Ankara ay si gaar ah door weyn uga qaadataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka.

Related Articles

News In English

Fikradaha