Xasan Sheekh oo jawaab ka bixiyay hadalkii Shidaalka ee Puntland

|

Maraykanka (Onkod Radio) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowlad-goboleedka Puntland, kaasi oo diidmo uga muujiyeen dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalka Soomaaliya ee ay waddo dowladda federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeedinayay kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa ugu horeyntii sheegay inay jiraan dad dagaal adag kala horyimaada marka lagu dhaqaaqo arrimo la xiriira horumarka Soomaaliya.

“Waxaa go’aan inaga ah sanadkaan in aan furno waxkasta oo fursad ah (shidaal) oo ka jira dalka, qeylo iyo buuq badana waa maqli doontan laakiin waxaa rabnaa mid Soomaaliya wax u tarta inay noqoto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in geesinimo la muujiyo oo aan la cabsan, taasi oo qeyb ka tahay mushkiladaha Soomaaliya xiligaan heysta ee dhibaatooyinka kala duwan ee dhinaca siyaasadda.

“Awoodeena iyo fahamkeena hadba intuu gaarsiisan yahay waa in aan socodsiina, aayado quraan ah iyo wacdi soo dagaya ma aha hadey qaldan yihiin beri qofkii inaga dambeeyow sax oo toosi, laakiin in albaabkaas la furi waayo waa diidanahay.

”Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya fulinta sharcigaan oo ay sheegtay Puntland inay aad uga xun tahay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u wajaheyso fulinta sharcigaan iyo in lagu deg-dego ka ganacsiga kheyraadka dalka, sida hadalka loo dhigay.

Puntland ayaa sidoo kale uga digtay dowladda federaalka inay joojiso fulinta sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka dalka, kaasi oo keeni kara xasillooni darro hor leh oo dalka ka dhalata, waxna u dhimi kara hannaanka dhismaha dawladnimo, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado, sida qoraalka loo dhigay.

Related Articles

News In English

UK announces new support for people facing famine in Horn of Africa

Mogadishu (Onkod Radio) — Speaking at an event on the humanitarian crisis unfolding in the Horn of Africa at the UN General Assembly in...

USAID announces $1.5 M to respond to the impact of the drought on Somali children’s education

Mogadishu (Onkod Radio) — USAID has announced that it will provide $1.5 for the Somali children's education programs as the drought had forced thousands...

SJS and SOMA condemn Somaliland’s suspension on independent TV

Mogadishu (Onkod Radio) — Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) strongly condemn the suspension against the privately-owned independent CBA television...

Somalia: UN’s top humanitarian forum warns of ‘tipping point’ as famine risk rises

New York (Onkod Radio) — New York: The world is lurching from crisis to crisis, trapped in a cycle of firefighting and unable to...

With $700 million in assistance, U.S calls recognition for Somalia efforts to tackle deepening crisis

New York (Onkod Radio) — Following the United Nations Security Council meeting on Somalia on Wednesday, the United States said it was committed to...

Fikradaha

GUURKII AWOOWAYAASHEEN – DOONISTII IYO AQAL-GALKII

Qaybtii 1-aad: Barnaamijka War iyo waaya-arag waxaan maanta ku soo qaadanaynaa sida hablaha loo doono iyo sida aroosyada loo dhiso innaga oo tix raacaynaa...

Dalkeena wuxuu u baahan yahay Ciidan Qaran oo Badbaadiya!

Tani waa farriin ka socota muwaadin Soomaaliyeed oo ay danqeyso xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli uu dalkeena baahi aad...